Thursday, April 26th, 2018

Raiisal Wasaare Khayre oo la kulmay Jaaliyadda Somaliyed ee dalka Switzerland

Published on Januar 27, 2018 by   ·   No Comments

Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Switzerland iyo Nawaaxigeeda.

Kulankaasi oo ku dhacay jawi wanaagsan iyo isfaham ayaa waxaa la hadlay Dadkii ka soo qeybgalay kulankaasi Raiisul wasaaraha dalka Mudane Xasan Cali Kheyre, wuxuuna sheegay in Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan ay rabaan dawladnimo.

Raiisul Wasaaraha ayaa beryahaanba ku sugnaa Magaalada Davos ee Dalka Switzerland, halkaasi oo uu kaga qeybgalay Shir-madaxeedka Dhaqaalaha Adduunka.

Jaaliyadda Somaliyed ayaa dhankooda ku ammaanay Ra’iisul Wasaare Khayre sida wanaagsan ee ay u hogaaminayaan Somaliya, waxayna kula dardaarmeen in Bulshada Somaliyed si hufnaan ah loogu adeego.

Ra’iisul-Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa la kulmay Ra’iisul-wasaaraha Dalka Canada JustinTrudeau. Kulankaasi oo ka dhacay magalaada Davos ee dalk Switzerland, ayaa waxay ka wada hadleen adkeynta iyo dardar gelinta xiriiirka fiican ee labada dal ka dhaxeeya.

Rii’sul-wasaare Xasan Cali Kheyre waxaa kaloo uu kula kulmay Magaalada Davos Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame, kulankaasi oo ahaa mid muhiim ah, ayay labada Masuul ka wada hadleen arrimaha dhaqaalaha, Caafimaadka, Waxbarashada iyo horumarka guud ahaan qaaradda Afrika iyo sidii Soomaaliya iyo Rwanda xiriir dhow u yeelan lahaayeen.

Soomaaliya waxaa ay ka mid tahay Dalalka ka tirsan Qaaradda Afrika ee lagu marti qaaday ka qeybgalka shirka Magaalada Davos ee Dalka Switzerland, waxaana ku matalaya Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Mustaf Bashir Gobdon

Zürich

 27331779_1978714455733886_381736197970172206_n

27072507_1978745755730756_3683267207449748399_n

27072586_1978715729067092_6702990773651712196_n

Readers Comments (0)




SOMALISWISSRADIO

1

SAWIRO-KULANKA QAXWAHA EE SSD AY SOO QABAN QABISAY OO SI HERSARE LEH U DHAMADAY-

November, 16, 2015
Waxaa maanta oo axad ah si fiican u ...
1

SAWIRO- Wariya Cabdi Cajiib oo howlo shaqo u joogo magaalada hargeysa Somalilan- kana Tirsan Somaliswissradio Soona Bandhigay(Buuga cusub)

August, 2, 2015
1

Daawo sawirrada socdaalkii John Kerry ee Magaalada Muqdisho iyo Kulamo uu la qaatay madaxda Dalka

Mai, 5, 2015
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul ...
radio

Dhageyso Somali Swiss Radio 30.10.2014, wareysi Yusuf Garaad Cumar oo kusoowajahan Switzerland, Cali Aar oo joogo Magaalada Muqdisho. wareysi Xogayaha ururka Iftin Sacdiya muxudiin iyo dood kusaabsan Qilaafka madaxda sare

Oktober, 30, 2014
Waxa lagu wareystay Yusuf Garaad Cumar oo joogo ...

DIASPORA