Saturday, September 23rd, 2017

Kulanka 1aad ee kaga ariinsanayen Qurba joogta Soomaaliyeed ee Swisska ee diib u dhiiska iyo federalleynta oo ka dhacay Magalada Zürich.

Published on April 30, 2017 by   ·   No Comments

Mabaadii’da iyo Ku Dhaqanka Federaalka
Qoraal uu u’Diyaariyay Prof. Kurt Nuspliger Xafiiska Raysal Wasaaraha
ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayna kaalmeysay
Safaaradda Switzerland.
September 2015
2
Embassy of Switzerland to Somalia
3
B. Federaalka
Waxaa jira nidaamyo federal oo ballaaran kalana duduwan oo ka shaqeeya caalamka daafihiisa
maanta. Nidaamyadaa kala duwan, ma jiro mid ama hab federal oo ka wanaagsan kuwa kale, ma
jiro qaab federal oo la odhan karo kana ugu “wanaagsan” ku dhaqankiisu oo caalamka oo dhan ka
meel mari kara. Arrimo siyaasadeed, bulsho, taariikheed iyo kuwo kale ayaa qaabeeya hay’adaha
federaalka iyo hababka uu u shaqeeyo. Arrimahaa ama shuruudahaa dalba dalka kale wuu kaga
duwan yahay. Haseyeeshee, qaabka asaasiga ah ee nidaamyada federaalku maanta, waa isku mid
meel walba. Wuxuu khuseeyaa fulinta, sharci-dejinta iyo garsoorka labada heer ee xukuumadda
federaalka ah iyo iyo xukuumadaha dawladaha xubinta ka ah federaalka. Waa qaab isgu jira laba
heer oo dawladeed. Wuxuu isku isku daraa heerka qaranka ka hooseeya (sub-national) ee “isxukunka”
(“self rule”) iyo, marka la gaaro heerka qaran, “xukun-wadaagga”1 (“shared-rule”) u
dhexeeya xukuumadda federaalka ah iyo xukuumadaha xubnaha dawladaha xubinta ka ah
federaalka. Dawlad walba oo xubin ka ah federaalku waxay leedahay xilalkeeda mucayinka ah (isxukun).
Dawladaha xubinta ka ah federaalku waxay ka qayb qaataan nidaamka go’aan gaarista ee
heer federal (xukun wadaagga).
Sida loo hebeynayo awoodda waxaa lagu qoraa dastuurka isagoo awoodaha u kala cayima si
“qotton” ah (“vertical”) iyo si “gudub” ah (“horizontal”). Heer walba oo xukuumadeed wuxuu
leeyahay madaxbannaanidiisa ama is-xukunkiisa siyaasadeed iyo maamul ee u gaarka ah ee loogu
cayimay meelaha uu ka talinayo (areas of competence).Madax-bannanidaa waxaa mar walba loo
adeegsanayaa in ay ka faa’iideystaan muwaadiniinteeda iyo horuumarkeeda. Dawladda federaalka
ah waxaa kaloo looga baahan yahay in ay dhiiri geliso wanaagga iyo danta guud ee federaalka iyo in
ay isku wado qaybaha ka hooseeya heerka qaran. Maadaamaa ay tahay unug ka tirsan federaalka,
dawladda xubinta ka ah federaalku, waxay ka qayb qaadataa sameynta iyo hirgelinta sharciga
xukuumadda federaalka ah2.
Nidaam walba oo federal wuxuu leeyahay habab uu ku sahlo iskaashiga xukuumadaha3 ee u
dhexeeya xukuumadda federaalka ah iyo xukuumadaha dawladaha xubinta ka ah federaalka, iyo
habab uu ku xalilo khilaafaadka xukuumadaha ka dhex oogma. Maxkamadda Dastuurku waxay
leedahay awood gaarka ah oo ay ku dhegeysato, go’aanna kaga gaadho kiisaska la xiriira
khilaafaadka u dhexeeya xukuumadda dawladda federaalka ah iyo xukuumadaha dawladaha
xubinta ka ah federaalka4.
Habka xukunka hoos loogu daadejiyo/furfuro ee loo yaqaan ‘devolution’ku waa habka ugu sarreeya
xukun furfurista dalalka, sbabtoo ah habkaasi wuxuu ku wareejiyaa awoodaha, xilalka iyo
imkaaniyaadka maaliyadeed hay’ado dadweynuhu soo doorteen, oo kuma wareejiyaan unugyo
maamul5. Federaalada markaad eegto hay’adahaa dadweyne waa dawlado leh dastuuradooda u
gaarka ah, sharci dejintooda gaarka ah iyo maamuladooda u goonida ah6.
Koox khubaro federal oo reer Switzerland ah ayaa sameeyay “Hagitaano la Xiriira ku Dhaqanka
Federaal ee Wanaagsan”7 (“Guidelines for Good Federal Practices”). Fikradda ka danbeysa
hagitaanadaasi waa in la sameeyo mabaadii’da horseedi kara xukun federal oo caadil ah, loo siman
yahay isla markaana wax ku ool ah oo caalamkoo dhami adeegsan karo. Hagitaanadaa waxaa loogu
tala galay in ay caawimaan dadka sameeya dastuurada, saraakiisha dawladda, xubnaha bulshada
1 Watts/Blindenbacher, Federalism in a Changing World – Learning From Each Other – A Conceptual Framework for the International
Conference on Federalism 2002, p.23-25.
2 Koller/Thurer/Dafflon/Ehrenseller/Pfisterer/Waldmann, Principles of Federalism, Zurich/St.Gall 2o12, p.15.
3 J.3 Xiriirka iyo Iskaashiga Dawladaha ka Dhexeeya.
4 Dastuurka ku Meel Gaarka ee Somaaliya , tarjumaddii aan rasmiga ahayn ee la ansixiyay August 1, 2012, loona gudbiyayay Golaha Shacbiga
Siibtambar 7, 2012, Qoddobka 10 9C, (1d).
5 Koller, Thurer/Dafflon,EhrenzellerPfisterer/Wladmann. Principles of Federalism, Zurich/St. Gall 2012, p.38.
6 Waana in xuduudaha dawladaha Xubinta ka ah Federaalka si wanaagsan loo qeexaa.
7 Koller, Thurer/Dafflon,EhrenzellerPfisterer/Wladmann. Principles of Federalism, Zurich/St. Gall 2012. Qaybta B ee Qoraalkani wuxuu
tilmaamayaa “Mabaadii’da Federaalka”.
4
madaniga ah iyo kuwa sharciga adeegsada si ay dib ugu qiimeeyaan, isbeddel ugu sameeyaan amd
dib ugu dhisaan nidaamyada siyaasadeed. Soomaaliyawaxay u tari karaan hagitaanadani in la
sameeyo nidaam dawlad federal ah oo soomaaliyeed.
Aqoon badan iyo waaya-aragnimo la xidhiidha federaalka waxaa kale oo laga heli karaa “Madasha
Federaalada” (“Forum of Federations”) . Madashaa Federaaladu waa hay’ad caalami ah oo
dawladnimada ku lug leh. Waa isku-xir waxbarasho oo ujeedadeedu tahay in ay horuumariso wax
kala barashada dawladaha ee la xidhiidha caqabadaha dawladnimada ee heerarka kala duwan ee
dalalka diimuqraadiga ah8. Madashaa Diimuqraadiga ihi uma ololeyso in la qaato qaab gaar ah oo
dawladeed. Waxay soo bandhigtaa habab la soo tijaabiyay iyo isbarbar-dhigooda, isku-xidh khubaro
oo caalami ah iyo in fursad wanaagsan loo helo la
xidhiidhka saraakiisha dawladaha ee muhiimka ah ee caalamka oo dhan. Waxay ka taageertaa
dhisidda diimuqraadiyadda dawladaha iyo gobolada jilicsan ee ku jira xaalad ay markaa uun dagaal
ka soo baxeen (Post-conflict situation).
Waxaa jiraa ilaa 25 dal oo federal ah dunida maanta, kuwaasoo marka laysku daro ay ku nool yihiin
boqolkiiba 40 dadweynaha adduunka9. Waxaa ka mid ah dalalkaa diimuqraadiyadaha ugu waaweyn
uguna kakan qaarkood. Nidaamkooda dawladeed, inkastoo uu noqon karo mid kakan, wuxuu ka
dhigay federayshano badan dalalka ugu barwaaqada badan dunida qaarkood isla markaana leh
adeegyo xukuumadeed oo heer sare ah. Fikradaha mataana ah ee federaalka iyo furfuraanta
(decentralization) waxaa iyaguna adeegsada dalalka Soomaaliya la jaarka ah. Sida uu dhigayo
Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Diimuqraadiga ah ee Itoobiya, dalku waa federayshan u
qaybsan sagaal Dawlad Goboleed oo ku salysan qawmiyad-luqad (ethno-linguistic). Dastuurka
Kiiniya wuxuu ku saleysan yahay nidaamka dawladeed ee aadka u furfuran (devolution) 10 .
Awoodaha. Xilalka iyo maaliyaddabaa waxaa loo wareejiyaa goboladooda loo yaqaan ‘counties’.
Xukuumadaha goboladaasi waxay ku saleysan yihiin mabaadii’da diimuqraadiga ah iyo kala saarka
awoodaha. Gobol waliba wuxuu leeyahay xukuumad Goboleed, kaasoo ka kooban Baarlamaan
Goboleed iyo Fulinta Gobolka11.
Federaalka Soomaaliya12
Marka la eego dawladnimada Soomaaliya, Federaalku waa arrin aad ugu cusub. Waaya aragnimada
dawladeed ee jirtaa waa mid taariikhdeedu ku eg tahay 25 sanno ka hor waana mid lagu hoos
noolaa nidaam awoodiisu si xoog ah u urursan tahay oo milatari, oo ah hantiwaddaaggii xukunkii
Siyaad Barre. Markii la qoray Dastuurka ku Meel Gaarka ah ee 201213 Somalia waxay sameysay
bilow cusub oo lagu dhisayo dawladnimo dalka oo dhan gaarsan oo Jamhuuriyad Federaala ah.
Dastuurka ku Meel Gaarka ihi wuxuu dhigayaa fikradaha aasaasiga ah ee Federaalka, fikradahaasoo
imminka u baahan in ay in lagu qaabeeyo laguna saleeyo Dastuurka, sharciga iyo siyaasadaba.
Marka la dhisayo federal, fahamka dawladnimada ayaa ah mid muhimad gaar ah leh sbabtoo ah
unugyada uu ka kooban yahay waa dawladaha. Dawladda waxaa qeexaya xadkeeda, dadweynaha
ku nool iyo sida ay u habeyso awoodeeda14.
Raad-raaca xaaladda ay Soomaaliya ku dhisayso nidaamkeeda federal waa mid kakan oo aan
liicliicaya. Tan iyo markii la riday xukunkii Barre, ka dibna ay burbureen qaababkii dawladdiiiyo
8 The Global Network on Federalism and Devolved Governance: www.forumfed.org.
9 Dalalkan soo socdaa waa: “Xubnaha Madasha ee Dalalka Federaalka ah“: Australia, Brazil, Canada, Ethiopia, Germany, India, Mexico, Nigeria,
Pakistan iyo Switzerland.
10 Nidaamka Furfuran ee Dawladnimo ee Kenya waxaa si buuxda u qoray: Rocaboy Ivor/FrancoisVaillancourt/Rejane hugounenq, Public
Finance and Local Government in Kenya, Qoraalka: Bernand Daffjon/Thierry Madies (Eds.), The Political Economy of Decentarilization in Sub
Sahara Africa, African Development Forum Series, The World Bank, Washington, and the Agence Francaise de Developpment, Paris, 2012.
11 Constitution of Kenya, Revised Edition, 2010, Articles 174, 175, 176.
12 Cutubka A.3, Dominik Langenbacher, Safiirka Switzerland u fadhiya Somalia, ayaa ku sharraxaya jewiga siyaasadeed ee Dawlad-dhiska
Federaalka ee Somalia lagu yagleelayo.
13 Dastuurka ku Meel Gaarka ah, Cutubka 5: Hoos u Dejinta Awoodda Dawladeed ee Dawladda Federaalka Somalia.
14 Shuruudahani wii kuwii caadiga ahaa ee Dawladnimada: Raic, Statehood and the Law of Self Determination, The Hague 2002. P.58.
5
maamulkii dhexe, sannadkii 1991, Goboladdii iyo Degmooyinkii iyo, tan iyo sannadkii 2000,
Dawladdii ku Meek Gaarka ahayd ee Muqdisho ka dhisnayd, waxay dhammaantood u
shaqeynayaan si aan isku xirnayn dawladnimo ahaan iyo hay’ado ahaan. Awoodda habeynta iyo
xilkii dawladnimo labaduba way ka guureen hay’adihii xuduudeed ee gobolada iyo degmooyinka,
waxayna u wareegeen qabiilkii. Sannadihii sagaashameeyaddii, Somaliland iyo Puntland waxaa la
sameeyay dawlado aan lahayn xuduudo iyo dhul cayiman. Dawlado ahaan, Puntland waxay isu
aragtaa qayb ka tirsan Somaaliya, Somalilandse sidaa isuma aragto. Sannadkii 2012, Dastuurka ku
Meel Gaarka ihi wuxuu dib u soo rogay xad ama dhul cayiman oo ka kooban laba gobol iyo wixii ka
badan in ay tahay shuruudda dawlad goboleed Xubin ka noqon karto Federaalka Jamhuuriyadda
Federaalka ee Soomaaliya15. Markaa ka dib, Dawladda Khaatumo, oo laga abuuray qaybo aan
qeexneyn oo ka tirsan laba Gobol oo ay sheegtaan Somaliland iyo Puntland labaduba, si qabiil ku
dhisan, ayaa iyana dooneysa in ay noqoto dawlad ku biirta Federaalka. Bartamaha Soomaaliaya,
Galmudug ayaa iyana dooneysa in ay ku biirto Federaalka iyadoo qaybo ka mid ah dhulkeeda
Woqooyi ay sheeganeyso Puntland si ku dhisan qabiil. Dawlad kale oo Gobol ku saleysan ayaa iyana
lagu tala jiraa in la dhiso Brtamaha Soomaaliya, iyadoo maqaamka Gobolka Banaadir, oo Muqdisho
ay tahay caasimaddii, ay u baahan tahay in la caddeeyo. Dhinaca Koonfurta, Jubbaland iyo
Dawladda Koonfur-Galbeed oo labaduba ah Dawlado Xubin ka ah Federaalka oo leh maamulo ku
meel gaar ah ayaa ka soo baxay, kuwaasoo ku saleysan dhul ka kooban min saddex Gobol. Waxay
haatan dhisanayaan hay’adahoodu dawladnimo. Caqabadda ka hor imaneysa sidii Soomaaliya loogu
sameyn lahaa nidaam dawladeed oo federal ah waxay noqoneysaa isu keenidda Dawladahaa
Xubinta ka ah Federaalka, 18kooda Gobol iyo 93da Degmo, ayna iskaashi ula sameyn lahaayeen
Dawladda Federaalka Soomaaliya, iskaashigaasoo ku dhisan dhul oo aan qabiil ku saleysneyn.
Federaalku waa in uu horseedaa midnimo qaran isagoo adeegsanaya u kala qaybinta awoodaha
Dawladda Federaalka ah iyo Dawladaha Xubinta ka ah Federaalka. Waa in uu sugaa nabadgelyo ku
wada-noolaanshaha dadka, isagoo isla markaana aqoonsanaya kala duwanaanshaha. Soomaaliya
qawmiyad ahaan waa isku mid oo ma kala duwana inkastoo “kala duwanaanshaha bulsho uu
leeyahay miisaankiisa oo uu siyaasadeeyo hadba halka lagu abtirsado iyo qaybsiga khayraadka oo
labaduba ka la jaan qaada fikirka qabiilka16.
Qaadashada nidaamka federaalku Soomaaliya wuxuu ka rarayaa habka aan rasmiga ahayn ee
awoodda loo qaybsado ee haatan jira ee ku saleysan qabiilka wuxuuna u rari doonaa qaabka
Dastuur ee rasmiga ah oo ah mid ku dhisan federal ku saleysan dawlado.
Nidaam siyaasadeed oo federaali ah waxaa laga filan karaa in uu dawladda u dhoweeyo dadka uuna
ilaaliyo midnimada iyo xasiloonida. Haseyeesheee, marka uu hannaanka dawlad-dhisidda ee
Federaalka ihi sii qoto dheeraadoba, fursadda uu ku dhalan karo khilaafka dawlad dhexdeeda ah
ama dawlado u dhexeeyaaba, si goo-goos ah ayuu u badan karaa. Guud ahaan arrintaasi waa mid la
aqoonsan yahay, haseyeeshee dib-u-heshiisiinta bulsho iyo tan siyaasadeed ee daruuriga ah in uu
noqdo dariiqii loo adeegsan lahaa, waxaa dhici karta in muhimadiisa iyo mudnaantiisa layska hawl
yareysto. Intaa waxaa dheer, wargelintii dadweyne iyo doodaha la xidhiidha federaalka ee
Soomaaliya sida weyn ugu baahan tahay ilaa iyo imminka lama bilaabin17.
Iyadoo la raacayo ujeedooyinka Higsiga 2016 iyo Ujeedooyinka Dhisidda Nabadda iyo
Dawladnimada (Peace and State Building Goals [PSG] ee Heshiiska Cusub, Dawladda Federaalka ah
ee Soomaaliya waxay xoog badan saartay dhismaha nidaamka dawladeed ee federaalkaee
Soomaaliya – shaqo ahaan iyo waqti ahaanba. Marka laga yimaaddo dhismaha-hay’adeed ee
dawladnimada ee heerka Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka. Gobolada iyo Degmooyinka,
15 Dastuurka ku Meel Gaarka Soomaaliya, Qoddobada 48 iyo 49.
16 Zoppi, Federalism: A valid Instrument for Reconciliation in Somalia? Wardheer News, 2013, p. 6.
17 Heritage Institute for Policy Studies, Federal Somalia: Not if but how, policy brief 02/2015, www.heritageinstitute.org. Sida uu sheegay
Afyare Cilmi, Hab midnimo oo ku slaysan nidaam furfuran: Xal Dhexe oo Soomaaliya isugu Iman Karto, Arab Centre for Research and Policy
Studies, May 2015, Hab furfuran oolagu midoobaa wuxuu noqon karaa nidaamka dawladeed ee ugu haboon Soomaaliya.
6
federaalku wuxuu si gaar ah u saameynayaa hawlaha loo baahan yahay in la dhammeystiro ee la
xiriira diyaarinta qabashada doorashooyinka 2016.
Marka la dhiso federaalka, dhulalka Dawladaha Xubinta ka ah Federaalka ayaa noqonaya qaybaha
ugu muhiimsan ee ka hooseeya heerka qaran. Dhinaca Fulinta ee labada heer, kan Dawladda
Federaalka Soomaaliya iyo kan Dawladaha Xubinta ka ah Federaalkuba nidaamka federaalku wuxuu
saameyn ku yeelan doonaa habeynta xilalka ay kala leeyihiin ee ay ka midka yihiin arrimaha
muhiimka ah sida ammaanka, caddaaladda, hay’adaha dhaqaale, khayraadka iyo maaliyadda, iyo
bixinta adeegyadda ay ka midka yihiin caafimaadka iyo waxbarashada. Mabaadii’da iyo ku
dhaqanka nidaamka federaalku wuxuu u baahan yahay in sidaa si le’eg loo waafajiyo sharciyada
Baarlamaanka eek u saabsan arrimahaa aynu soo sheegnay iyadoo, aakhirkana, loo baahan yahay in
Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya la waafajiyo arrimahaas oo dhan, Dastuurkaasoo
haatan ku jira dib-u-eegis, lana rabo in afti loo qaado mustaqbalka. Guud ahaan, isku dayga la rabo
in Soomaaliya loogu dhiso nidaam dawladeed oo federal ah aad buu ula dhaafayaa waqtiga loo
qabtay ee 2016.
T. Shanta Mabda’ ee Federaalka
Shanta arrimood ee ugu waaweyn ee loo baahan yahay in uu nidaamka dawladnimo ee federaalka
ihi saameynta ku yeesho waa kuwan:
– Qaybint Awoodaha;
– Federaalka Maaliyadeed (Fiscal Federalism) iyo Wadaagga Khayraadka;
– Xiriirka iyo Wax-wada Qabsiga u Dhexeeya Dawladaha;
– Dawladda Hoose;
– Xiriirka Dibedda.
Qoraalkani wuxuu soo bandhigayaa mabaadii’da federaalku sida ay kala yihiin iyo ku dhaqanka
wanaagsan ee federaalka, qoddobada kala duwan ee Dastuurka ku Meel Gaarka ah ee Soomaaliya
iyo hababka kala duwan ee u bannaan in loo raaco dhismaha nidaam federal ah oo Soomaaliyaaed.
Qoraalkani wuxuu xoogga saarayaa awoodaha iyo xilalka fulinta.
1. Qaybinta Awoodaha
1.1 Qaybinta awoodaha markay tahay mabda’ dastuuri ah
Qaybinta awoodaha waa in laga dhigaa mid aan daah saareyn oo la arki karo, sida ay muujinayaan
mabaadii’dan soo socdaa: Waa in ay noqotaa arrin aan mugdi ku jirin oo salka ku haysa kuna
dhidban Dastuurka Federaalka ah iyo weliba dastuurada Dawladaha Xubinta ka ah Federaalka18.
Qaybinta awoodaha macnaheedu waa u kala qaybinta, wadaagga iyo gacan ku haynta awoodda
xukuumadda iyo weliba wax-wada qabsiga iyo tartanka heerarka kala duwan ee xukuumadda, oo
kala Xukuumadda Federaalka ah iyo xukuumadaha Dawladaha Xubinta ka ah Federaalka. Qaybinta
awoodaha (kala saarka awoodaha) waxaa kale oo loo adeegsadaa waaxyaha xukuumadda, oo kala
ah fulinta, sharci dejinta iyo garsoorka. Xukuumadda Federaalka ihi waa in ay ku ekaataa oo keliya
hawlaha u baahan in loo sameeyo qawaaniin isku mid ah (uniform regulations) ama hawlaha
dawladaha xubinta ka ah federaalku aanay awoodda u lahayn in ay fuliyaan. Mar walbana, heerarka
kala duwan ee xukuumadduhu waa in midiba tan kale ku taageertaa in ay waajibaadkeeda gudato,
iyagoo si wadajir ah isu xilsaaraya isla markaana xushmeynaya kala duwanaanshahooda.
Heer walba oo dawladeed waa in uu yeeshaa awood ku filan oo uu ku fuliyo hawlaha loo igmaday19.
Dawladaha Xubinta ka ah Federaalku waa in ay haystaan khayraad18157427_1860527560885910_4885638249627365287_n18198379_1860527507552582_3090264504707804447_nProf. Kurt Nuspliger_Principles and Practice of Federalism_SOM and ENG

Readers Comments (0)




SOMALISWISSRADIO

1

SAWIRO-KULANKA QAXWAHA EE SSD AY SOO QABAN QABISAY OO SI HERSARE LEH U DHAMADAY-

November, 16, 2015
Waxaa maanta oo axad ah si fiican u ...
1

SAWIRO- Wariya Cabdi Cajiib oo howlo shaqo u joogo magaalada hargeysa Somalilan- kana Tirsan Somaliswissradio Soona Bandhigay(Buuga cusub)

August, 2, 2015
1

Daawo sawirrada socdaalkii John Kerry ee Magaalada Muqdisho iyo Kulamo uu la qaatay madaxda Dalka

Mai, 5, 2015
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul ...
radio

Dhageyso Somali Swiss Radio 30.10.2014, wareysi Yusuf Garaad Cumar oo kusoowajahan Switzerland, Cali Aar oo joogo Magaalada Muqdisho. wareysi Xogayaha ururka Iftin Sacdiya muxudiin iyo dood kusaabsan Qilaafka madaxda sare

Oktober, 30, 2014
Waxa lagu wareystay Yusuf Garaad Cumar oo joogo ...

DIASPORA