Tuesday, November 21st, 2017

Madaxweynaha oo si diiran loogu soo dhoweeyay Kismaayo:-Sawiro…

Published on Dezember 5, 2016 by   ·   No Comments

somaliswissdiaspora-6Madaxweynaha Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismayo ee caasimada Maamul Goboleedka Jubbaland, halkaas oo uu si diiran ugu soo dhoweeyey Ahmed Mohamed Islam (Madoobe),  ku xigeenadiisa, Wasiirka Gaashaandhiga ee DFS Mudane Abdulkadir Sheikh Ali Dini, Wasiirka Boostada & Isgaarsiinta Maxamed Jamac Mursal (Geele), Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdiraxmaan Dheere, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweynaha Soomaaliya oo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ciidamada ah ayaa isaga iyo wafdigiisa waxaa loo soo dhoweeyey si heer sare ah. Madaxweynaha oo weriyeyaasha kula hadlay Kismaayo ayaa sheegay in ujeedada socdaalkiisu ay aheyd inuu la yeesho kulamo wadatashi ah Ahmed Madobe,
shacabka iyo xubnaha baarlamaanka labada Aqal si loo dedejiyo inta harsan ee doorashooyinka dalka.

“Waxaan u imid Kismaayo si aan u dhiirigeliyo isla markaasna ugu ammaano Maamulka Jubbaland, Shacabka iyo guddiyada doorashooyinka ee heer Federal iyo heer Maamul Goboleed oo suurtogeliyey in doorashooyinka ay u dhacaan sidii loogu talogalay, kuna qabsoomaan waqtigii loogu talogalay. Sidoo kale waxaan halkan u imid inaan wadatashiyo la yeesho Mamulka Jubbaland, Shacabka iyo Xildhibaanada Labada Aqal ee la soo doortay si loo dedjiyo doorashooyinka inta harsan.”

Waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay maanta mareyso marxlad xildhibaanada Qaranka lagu soo dooranayo gobollada dalka oo tartarn dimoqraadiyadeed uu jiro, tanoo ah guul u soo hoyatay shacabka iyo dalka.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadaalka hadda socda iyo ka guul gaarista go’aanadii habraaca doorashooyinka waa wax in muddo ah laga soo shaqeynayey iyadoo ujeedadeenu aheyd in dalka ay ka dhacaan doorashooyin ka sharciyad xoogan kana matalaad fiican kuwii 2012kii oo 135 Madax Dhaqameed ay soo xuleen Baarlamaankii 2012 iyadoo maanta ay in ka badan 14,000 oo Soomaali ah ay soo dooranayaan 275ta Xildhibaan, halka 54ta mudane ee Aqalka Sare ay soo doorteen Baarlamaanada Dowlad Goboleedyada, oo aan maanta leenahay xildhibaano lala xisaabtami kara.

somaliswissdiaspora-1
somaliswissdiaspora-2
somaliswissdiaspora-3
somaliswissdiaspora-4
somaliswissdiaspora-5
somaliswissdiaspora-6
somaliswissdiaspora-7

Readers Comments (0)




SOMALISWISSRADIO

1

SAWIRO-KULANKA QAXWAHA EE SSD AY SOO QABAN QABISAY OO SI HERSARE LEH U DHAMADAY-

November, 16, 2015
Waxaa maanta oo axad ah si fiican u ...
1

SAWIRO- Wariya Cabdi Cajiib oo howlo shaqo u joogo magaalada hargeysa Somalilan- kana Tirsan Somaliswissradio Soona Bandhigay(Buuga cusub)

August, 2, 2015
1

Daawo sawirrada socdaalkii John Kerry ee Magaalada Muqdisho iyo Kulamo uu la qaatay madaxda Dalka

Mai, 5, 2015
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul ...
radio

Dhageyso Somali Swiss Radio 30.10.2014, wareysi Yusuf Garaad Cumar oo kusoowajahan Switzerland, Cali Aar oo joogo Magaalada Muqdisho. wareysi Xogayaha ururka Iftin Sacdiya muxudiin iyo dood kusaabsan Qilaafka madaxda sare

Oktober, 30, 2014
Waxa lagu wareystay Yusuf Garaad Cumar oo joogo ...

DIASPORA