Saturday, September 23rd, 2017

Dowlada oo soo bandhigtay markab si sharci darro ah uga kalluumeysanayay xeebaha Soomaaliya (Sawiro)…

Published on Dezember 5, 2016 by   ·   No Comments

somaliswissdiaspora-5Shirjaraa’id uu maanta ku qabtay magaalada Muqdisho Wasiir ku xigeenka Wasaraadda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee dowladda F. Soomaaliya Mudane Siciid Jaamac Maxamed Qaalib ayaa kaga hadlay xaalufka maraakiibta shisheeye ay ku hayaan xeebaha Soomaaliya iyo heshiisyo sharcidarro ah oo lala galayo shirkado shisheeye ayadoo aysan ka warqabin Wasaaradda.

Wasiir ku xigeenka Kalluumeyisga Mudane Siciid Jaamac Max’ed Qaalib ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay markab si sharcidarro ah  uga kalluumeysanayay xeebaha Soomaaliya kaasoo lagu qabtay xeebaha magaalada Mombasa ee dalka Kenya.

Wuxuu sheegay in Wasaaradu ay ku biirtaya Ururro Caalami ah oo ka dhisan ilaa iyo 8 dal oo iska kaashanaya la-dagaallanka Kalluumeysiga Sharci-darrada ah ee xeebaha.

Wuxuu intaasi ku daray in Markabkan uu isku dayay in uu Cumaan galo, marka uu ku arkay in uu qoraal ka yaallo uu socon waayo, isagoo intaasi sii raaciyaay in ciidamo la’aan ay ku guuleysteen qabashada markabkani, kaasi oo siday Kalluun gaaraya ilaa 30 Tan waxaana lagu ganaaxay lacag gaaraysa 65,000 oo dollar.

Wasiir ku xigeenka ayaa u mahadcelinay dowlado iyo hay’ado caalami ah oo gacan ka siinayay la dagaallanka Kalluumeysiga Sharci-darrada ah oo Marakiibta shisheeye ay ka wadaan xeebaha Soomaaliya waxaana uu ka codsaday in ay siyaan qalab ka Sataliteka oo inoo fududeynaya ka hortagga kalluumeyisga sharci-darrada ah.

somaliswissdiaspora-1
somaliswissdiaspora-2
somaliswissdiaspora-3
somaliswissdiaspora-4
somaliswissdiaspora-5

Readers Comments (0)




SOMALISWISSRADIO

1

SAWIRO-KULANKA QAXWAHA EE SSD AY SOO QABAN QABISAY OO SI HERSARE LEH U DHAMADAY-

November, 16, 2015
Waxaa maanta oo axad ah si fiican u ...
1

SAWIRO- Wariya Cabdi Cajiib oo howlo shaqo u joogo magaalada hargeysa Somalilan- kana Tirsan Somaliswissradio Soona Bandhigay(Buuga cusub)

August, 2, 2015
1

Daawo sawirrada socdaalkii John Kerry ee Magaalada Muqdisho iyo Kulamo uu la qaatay madaxda Dalka

Mai, 5, 2015
Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul ...
radio

Dhageyso Somali Swiss Radio 30.10.2014, wareysi Yusuf Garaad Cumar oo kusoowajahan Switzerland, Cali Aar oo joogo Magaalada Muqdisho. wareysi Xogayaha ururka Iftin Sacdiya muxudiin iyo dood kusaabsan Qilaafka madaxda sare

Oktober, 30, 2014
Waxa lagu wareystay Yusuf Garaad Cumar oo joogo ...

DIASPORA